Video:-Gudoomiyaha Sool”Ciidanka Puntland xalay waxuu hawlgal ka fuliyay gudaha Laascaanood”

Gudoomiyaha Gobolka Sool Abuukar Cabdi Geele oo warbahinta la hadlaya ayaa sheegay in Magaalagada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ay ka sameyeen ciidanka Puntland howlgalo.
 
Hawlgaladaas oo sababay in ciidanku xabsiga kasii daayaan Maxaabiis kala duwan oo ay horay ay xabsiyada u dhigeen Maleeshiyada maamulka Jeegaanta Muuse Biixi.
 
Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in ciidanku qabsadeen labo xabsi oo ay ku xirnayeen dadweyne aad u fara badan oo markii hore loo xiray kasoo horjeedida Maamulka Jeegaanta,waxaana xabsiyada kasii daayeen dhamaan dadkii ku jiray.
 
”Howlgalkaasi wuxuu bilaamay 2:30 habeenimo, wuxuuna soconayay ilaa 5:00 subaxnimo, ciidamadda Puntland waxay weerareen oo qabteen labo saldhig oo ku yaal Laascaanood, iyagoo ka sii daayay maxaabiis ku jiray oo ahaa dad xaqdaro ku xirnaa” ayuu yiri guddoomiyaha Sool.
 
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in magaaladda Laascaanood ay ka socdaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi Cabdi,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading