Video:-Gudoomiye Jawaari Oo si rasmi ah iskugu hor casilay Xildhibaanada hortooda

“ Maanta oo ay bisha tahay April,12/2015,waxaan Golahan Sharafta leh hortiina aan u imid inaan rasmi ahaan idin ku war geliyo inaan xilkii ammaanada ahaa Alle subaxaanahu Watacaallaa ka sokow aad adinku igu ammaaneysateen idinkoo wada fadhiya idin ku soo celiyo,waxaana idinka codsanayaa in xil heynta Guddoonka iga cafisaan istiqaaladeydana iga ogolaataan,” ayuu ku yiri Prof; Jawaari Khudbadiisa uu ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane; Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maalmihii u danbeeyay kuwo Alle ka cabsigooda yar yaryahay baraha Bulshada ay ku tebinayeen in lacago Malaayiin dollar ah laga siistay istiqaalada iyo xilka degistiisa.

Wuxuuna Xildhibaanada hortooda Mr. Jawaari uu ka cadeeyay ineysan jirin wax lacag ah oo looga bedeshay iscasilaada uu sameeyay,isagoona dhanka kale tibaaxay in xil ka degistiisa ay muhiim u ahayd Qaranimada iyo jiritaanka Dowladnimada Soomaaliy.

Mudane: Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari,Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa xilkaan waxaa loo doortay 11-kii bishii Janaayo sanadkii 2017,,isagoo labo jeer Guddoomiye Baarlamaan ka soo noqday dalka,waana qabiir dhanka sharciga oo mudo ka badan 50-sano soo ahaa shaqaalo Dowladeed,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading