Video:-Imtixaanka Shahaadiga Ee Koonfurta iyo Bartmaha Somaliya oo furmay

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dowlada Fadaraalka Somaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta si rasmi ah u Daah furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare ee koonfurta iyo bartamaha Somaliya, kaasi oo ka bilowday Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn maamulada qaarkood.

Imtixaanka Shahaadiga ah waxaa u fariistay Arday gaaraysa 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday,sida uu sheegay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed Jaabir.

Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada qaarkood,ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo sugaya amaanka xarumaha lagu galayo imtixaanaka shahaadiga ah ee Dowladdu ay qaadeyso.

Dhanka kale waxaa jira muuqaalo muujinaya Imtixaanka oo horayba suuqa usii galay si Qish ah.,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading