Video:-Jawaari oo Ogolaaday in Mooshinku sii Socdo

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mar kale ku celiyey inuu oggol yahay in la dhagaysto codna loo qaado mooshinka isaga ka dhanka ah ee ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah xildhibananada Baarlamaanka.

Guddoomiye Jawaari ayaa goor dhowayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdishu, waxaana uu sheegay in muranka siyaasadeed uu curyaamiyey hawlihii dawladda, waxaana uu Wasiirrada iyo Xildhibaannadaba ugu baaqay inay hawlahooda dib ugu laabtaan.

Maxamed Cusmana Jawaari ayaa sheegay in Dhismaha Baarlamaanka uu amnigiisu gacanta ugu jiro laanta fulinta, waxaana uu ku baaqay in ciidamadaas laga dulqaado Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayey uu baarlamaanku suurtogaliyey in si nabad ah ay isku beddelaan hoggaanka dalka, waxaana uu sheegay inuu doonayo in si nabad ah uu ku dhammaado mooshinka isaga laga keenay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading