Shir ku saabsan habka maareynta dhulka magaalooyinka Puntland, waxaana ka qeybgalay Madaxda Wasaarada Hawlaha Guud,Guryeynta iyo Gadiidka,Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasaaradda Deegaanka,Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Haweenka,Masuuliyiin ka socda Dowladaha hoose.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gadiidka Dowlada Puntland oo ka warbixiyay ujeedada kulanka ayaa sheegay inuu daba socdo shirar taxane ahaa oo mudooyinkii u dambeeyay lagu dejinayay habka nidaaminta magaalooyinka Puntland. Wuxuu sheegay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Shan Wasaaradood oo ka tirsan Dowlada Puntland inay ku hawlanaayeen in muddo ah sidii loo heli lahaa xeer magaalooyinka lagu maamulo oo la socda habka casriga ah oo maanta lagu dabakhi karo dunida.hoos ka daawo muuqaalka.