Xarunta maamulka gobolka Nugaal ee magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa ka dhacday munaasabad ay ku qalin jebinayeen 26 arday oo machadka barashada saxaafadda Soomaaliyeed fariciisa Garoowe ka dhammeeyey saxaafadda.
Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socdey wasaaradda warfaafinta, gudoomiye ku-xigeenka degmada Garoowe, hogaanka ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP, nabadoono, ururada bulshada rayidka ah, suxufiyiin iyo ardayda dhammaysay machadka.
Maamulaha Machadda (SJC) Jaamac Cabdiraxmaan Axmed oo ugu horayn kahadlay madasha ayaa ku dheeraaday casharadii ardaydu soo barteen mudadii 6da bilood ahayd ee ay waxbaranayeen iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin inay mihnadda saxaafadda ku shaqeeyaan,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan ka daawo muuqaalka
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.