Video:-Laftagareen Oo ka hor yimid fikradii Farmaajo

“Waxaan anigu aaminsanahay in doorasho qof iyo cod ah aysan xiligan dhici karin”ayuu yiri Laftagareen.

Laftagareen oo hadalkiisa sii wata,ayaa yiri”Ilaa dadka la tirakoobo,dhulka la haystana la xoreeyo doorasho ma qabsoomi karto ee nidaamkii hore 4.5 halagu laabto maamul kastana haku soo doorto Xildhibaanada Deegaankiisa laga rabo”.

Sidoo kale Madaxweynaha doorashadiisu ay dhiiga badan ku daadatay ee Koonfur-Galbeed,waxuu ganafka ku dhuftay mudo kororsi loo sameeyo Dowlada xiligan talada haysa,waxuuna sheegay in uusan taageersanayn mudo kororsi aysan cina dani ugu jirin.

Hadalkan waxuu dhabarjab ku yahay hankii Farmaajo ee ahaa in uu wax loogu yeero doorasho qof iyo cod ah loo qabto ama mudo kordhin loo sameeyo.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading