Video:-Lataliyihii hore amniga qaranka eeTrump oo eedo cusub lagu helay

National Security Adviser Michael Flynn speaks during the daily news briefing at the White House, in Washington, Wednesday, Feb. 1, 2017. (AP Photo/Carolyn Kaster)

Qoraal cusub oo la soo bandhigay ayaa lagu sheegay in lataliyihii hore ee amniga qaranka Maraykanka Micheal Flynn inuu lacago ka badan $500,000 ka qaatay dalka Turkiga, halka uu Ruushkana ka helay tobannaan kun oo dollar, ka dib xilligii uu shaqada ka fadhiistay, sannadkii 2014, xilligaas oo looga digay inaanu wax lacago ah ka qaadanin dawladaha debedda.

Xubinta ugu sarreeya xisbiga Dimoqraadiga ee ku jira Guddida Korjoogtaynta ee Aqalka Wakiillada Maraykanka, Elijah Cummings, ayaa sheegay inaanay haynin wax caddayn ah oo muujinaya in Micheal Flynn uu ogolaansho ka helay xoghayaha difaaca iyo xoghayaha arrimaha debedda, xilligii uu lacagaha ka qaadanayey dawladaha debedda, sida sharcigu dhigayo.

Mid ka mida qoraallada la soo bandhigay ayaa muujinaya in Hanti-dhawraha guud ee Wasaaradda Difaacu uu bilaabay baadhistiisa gaarka ah oo ku saabsan in Flynn uu qaatay ogolaansho iyo inkale, xilligii uu helayey lacagaas ka imanaya dawladaha debedda,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading