Video:-Maamulka DDSI oo ka hadlay xasuuqa Oromada kula kacday Soomaalida

Wasiirka u hadlay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in boqolaal Soomaali ah lagu lalayay sida uu hadalka u dhigay xuduuda u dhexeysa Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Oromada.
 
Wasiirka dhalinyada Maxamed Bille ‘Miig’ ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo aad u badan lagu laayay deegaanada xuduudaha ee ay wadaagaan maamulada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, wuxuuna falkaas ku eedeeyey ciidamada maamulka Oromiya.
 
“Dhimasho aad u farobadan ayaa jirta, boqolaal ayeey gaarayaan dadka dhintay, hanti badana waa ay ku burburtay, maadaamaa waxa shaqadan fulinaya uu ciidan yahay, dad badan ayaa ku naf waayay” ayuu yiri wasiir Maxamed Bille.
 
Waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan Oromiya ay mar walba weerar ka soo qaadayaan sida uu hadalka u dhigay deegaannada ay xuduuda kala wadaagaan.
 
‘’ Waxaa mar kasta weerarada soo qaadaya waa ciidamada booliiska Oromiya, meelaha aan xuduudaha ka leenahay shacabka degan ayay kusoo qaadaan, iyada oo dadka shacabka ee Soomaalida ah ee halkaas degen ay yihiin dad nabadgelyada jecel, waxayna soo weeraraan iyaga oo qaabaysan oo nidaam dowlad ku socda, dad badan ayaana ku naf waayay, dad kalana waa la barokiciyay” ayuu yiri wasiirka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

 

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading