Video:-Maamulka Jeegaanta oo sii laba jibaaray caburinta shacabka Laascaanood

Hawlgalada lagu caburinayo shacabka Laascaanood ayaa sii xoogaysatay ilaa shalay kadib markii ay halkaa ska dhaceen mudaaharaadyo lagu diidan yahay mamaulka Jeegaanta.
 
Maleeshiyada Maamulka Jeegaanta,ayaa xirxiray dad shacab ah oo fara badan iyo wariyayaal madax banaan.
 
Dadka ay xirx ireen Maleeshiyada jeegaanta ayaa u badan dumar iyo caruur,kuwaasoo dhigayay Mudaaharaad ay kaga soo horjeedaan maamulkaas iyo hadafkiisa gooni goosadka ah.
 
Maleeshiyada Jeegaanta dadka ay xireen waxaa ka mid ah Wariye madax banaan oo barnaamij uu shacabka Laascaanood aragtidooda ku aadan dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ku waydiinayo sameeyay.
 

 
Wariye Cabdiraxmaan Keyse Tungub,ayay Maleeshiyada jeegaanta qafaasheen mana cada ilaa iyo hada meesha ay ku xireen ama la ‘aadeen sida ay axqiijinayaan eheladiisa oo ana la xiriirnay.
 
Magaalada ayaa la keenay ciidamo cusub oo Booliis ah oo intooda badan laga keenay magaalada Burco ee gobalka Togdheer si loogu xoojiyo hawlgalada ay ciidamada Somaliland ka wadaan Laascaanood.
 
Maamulka jeegaanta ee Somaliland ayaa culeys saaray magaalada Laascaanood kadib markii ay todobaadkii hore magaalada shir jaraa’iid ku qabteen Nabadoonada ugu waa weyn ee deegaankaasi,sidoo kale shacabka ay dhigeen mudahaaraadyo waa weyn oo ay uga soo horjeedaan maamulka Jeegaanta.
 
Waxaa ilaa iyo hada si is daba joog ah usocda mudaaharaadyada looga soo horjeedo maamulka Jeegaanta laguna garab istaagayo hawlgalka dib u xoraynta Sool ee ka dhacaya guud ahaan Gobolada Sool iyo Sanaag.
halkan ka daawo Garab istaaga ciidanka difaaca Puntalnd ee Magaalada Laascaanood

 

 

H


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading