VIDEO: Madasha Xisbiyada Qaran oo looga dhawaaqay Muqdisho

Maanta waxaa magaalada muqdisho ka dhacey kulan ay isugu yimaadeen 10 kamid ah axzaabta ugu waaweyn dalka kulankaas oo lagaga arinsanayey xaalada siyaasadeed ee dalka xilli xukuumada hadda jirtaayi waqtigeedii sii dhamaanayo ilaa haddana aysan cadeyn jihada uu dalku u socdo.

Madasha Xisbiyadda Qaranka ayaa waxaa kamid ah Xisbiyadda Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii DKMG aheyd Shariif Sheekh Axmed iyo Midowga Nabadda & Horumarka oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, afhayeenka Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa loo magacaabey Xildhibaan Abdilatif Muse Nur (Sanyare).


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading