VIDEO: Madaxweynaha Jubbaland, Xidig & Seeraar oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayaan Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo kamid ah xubnaha isbadal doonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska la gaaray Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubnaha Golaha Is-bedelka doonka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, waxaana soo dhaweyntooda ka qeyb-galay xubno kamid ah labada Gole ee Jubbaland, Maamulka Gobalka, Kan Degmada Kismaayo, Saraakiisha Ciidamada iyo kumanaan shacab ah oo dhoobnaa hareraha laamiyada.

Madaxweynaha oo Saxaafada kula hadlay qaybta nasashada garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in uu si wanaagsan kusoo dhamaaday heshiiskii ay dhawaan gaareen xubnaha golaha isbadal doonka iyo Xukuumada Jubbaland waxaa Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in danta shacabka ay ku jirto heshiiskaas oo aan shaqsi loo danaynin balse shacabka loo turay.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in shacabka Jubbaland ay wadajir iyo Midnimo ku gaari karaan Hormar guud taas oo ay qayb ka tahay in wixii lagu kala aragti duwanaado wada hadal lagu xaliyo.

Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in heshiiskaas uu u dhexeeyay Dowlada Jubbaland iyo xubnahii saluugay Doorashadii Sanadkii hore isla markana diyaar ay u yihiin in wixii dhiman la dhamaystiro isla markana laga shaqeeyo sidii shacabka Jubbaland ay dantoodu u noqon lahayd mid laga wada shaqeeyo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading