VIDEO: Madaxweynayaashii hore ee Puntland oo baaq kasoo saaray Fatahaadihii Qardho

Madaxweynayaashii hore ee Dowladda Puntland ee kala ah Dr. Cabdiweli Cali Gaas, & Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo wehlinayo Senator Cabdirisaaq Jurille oo shir ku qabtay Garoowe, ayaa DF Soomaaliya uga mahadceliyey lacagta ay soo gaarsiisay magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

Masuuliyiinta ayaa sheegay inay muhiim tahay in Xukuumadda Puntland looga dambeeyo howlaha Guddiyada iyo gargaarka magaalada Qardho, waxayna sheegeen in uu sharci yahay guddiga Xukuumadda oo kaliya, loona baahan yahay in awooda la mideeyo.

https://youtu.be/YynTO0tGxSI

Ugu dambeyntii, Madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo Senator Jurile ayaa bogaadiyay dadaalada ay wadaan bulshada Puntland ee ku aadan gurmadka Qardho, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay inay xoojiyaan isu gurmashadooda.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading