VIDEO: Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlay geerida Wasiir Macalin Maxamuud

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u Naxariiste Wasiirkii Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Mudane Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyooday dalka dibadiisa

Marxuumka ayaa muddo 4 bilood kor u dhaafaysa xaalad caafimaad ugu sugnaa dalkaas isaga oo ay xaaladiisa caafimaad ka soo raynaysay maalmihii la soo dhaafay.

Madaxwaynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam, labada madaxwayne ku-xigeen, golaha wasiirrada iyo dhammaan xildhibaanada golaha shacabka Jubbaland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay marxuumka, shacabka Jubbaland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed geeridan xanuunka badan ee wasiirka ku timid.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading