Video:-Madaxweyne Cosoble”Aniga ah Madaxweynaha sharciga ah ee Hir-Shabelle”

Isagoo ka hadlayay mooshinka ay xilka ugaga qaadeen Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay inuusan ahayn mid sharci ah isagoo sheegay inuusan aqbalayn.

“24 saac in mooshin lagu keeno laguna qaado xilna loogaga qaado Madaxweyne maqan ma ahan mid sharci ah,”ayuu yiri Cali Cabdulaahi Cosoble.

Cali Cabdulaahi Cosoble oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu xalay la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayna ka wadahadleen xaalada Hirshabelle uuna Madaxweynaha u sheegay in arrintan laga hadli doono marka uu ka soo laabto safar uu ku tegayo dalka Masar.

Cali Cabdulaahi oo la weydiiyay waxa uu sameynayo  ayuu ugu jawaabay weriyihii wareysanayay: “ Fal dambiyeed ayaa la galay maxkamada sare ayaan u gudbinay sharciyaqaano ayaa arrintaas u bandhignay maxkamad ayaan ku kala baxaynaa.”,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading