VIDEO: Madaxweyne Deni “Ammaanka xarunta Gobalka Banaadir wuxuu tusaale u ahaa Goobaha nabdoon ee Xamar”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku baaqay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo Qaraxii arbacadii ka dhacay xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, ee ay ku dhinteed Saddexda Guddoomiye degmo, ayna ku dhaawacmeen Masuuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Eng. C/rixmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in xarunta Gobalka Banaadir ay tusaale u aheyd Goobaha ammaankooda aadka loo adkeeyay ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, si sahal ahne loo gali karin.

Waxaa uu sheegay in qaraxaas uu rajo la,aan uu ku riday umadda Soomaaliyeed, isagoona xusay inuu qeyb ka ahaa Weeraradii hore ee aadka u xumaa ee dalka ka dhacay, kuwaas oo ay soo abaabuleen inta neceb jiritaanka iyo sharafta Umadda Soomaaliyeed.

https://www.youtube.com/watch?v=QVeiEJ0eNWA

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading