Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegay inuu kamid yahay martida lagu Casuumay Xafladda Caleema saarka ee Madaxweynaha Jubbaland, uuna Ka qeygali doono.
Madaxweyne Deni oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay in xayiraadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay saartay Jubbaland ay tahay sharci-darro, isla markaana baalmarsan dastuurka dalka iyo awooda uu siinaayo Dowlad Goboleedyada .
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland ayaa tibaaxay in awoodda Dowladda aysan ahayn Dukaan qof leeyahay oo uu siduu doono u maamusho, isla markaana lagula dagaalin ray’igiisa siyaasadeed.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.