Video:-Madaxweyne Deni oo Bosaso ku dhagax dhigay Wadooyin cusub

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Dhagax dhiggay dhismaha Wadada Alraxma iyo Dhismaha Wadada Badda cas, labadaasi wado oo laami laga dhigayo waxaa laga fulinayaa Mashruuca Horumarinta degmooyinka Puntland JPLG Qeybta Horumarinta ee LDF.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray Xaafadda cusub ee sida Casriga ah ee loo dhisayo ee Guryasamo, Goobta nasashada ee Green City, Labada xarumood ee Soolarka Boosaaso iyo qeybta Korontada ee Shirkada Isgaarsiinta Golis.

Dhagax dhigga iyo kormeerka Madaxweynuhu sameeyay maanta waxaa ka warbixiyey Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading