Muuqaal:-Madaxweyne Deni oo hortagay Baarlamaanka Puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee dowladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Garoowe ayaa aqbalay codsi uga yimid Madaxweyne Saciid Deni oo ku aadanaa in loo kordhiyo waqtiga uu kusoo magacaabayo golaha Wasiirada.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa mudo 30-cisho ah fursad u heestay in uu kusoo magacaabo golihiisa Wasiirada, hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka ka dalbaday in mudo 15 cisho ah loogu daro waqtiga uu Wasiirada kusoo magacaabayo.


Xildhibaanada Maamulka Puntland ayaa cod u qaaday codsiga Madaxweyne Deni , waxaana ogolaaday in mudo 15-cisho ah loogu daro waqtiga magacaabista Wasiirada 45-Xildhibaan , waxaa diiday hal Xildhibaan halka 4-Xildhibaan ka aamuseen.

Madaxweynaha Puntland ayaa laga sugayay in 29-ka bishan kahor kusoo magacaabo golaha Wasiirada maamulkiisa, hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa codsaday in waqti dheeraad ah la siiyo si uu usoo xulo wasiiro tayo leh,hoos ka daawo muuqaalka

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading