Video:-Madaxweyne Deni oo kormeeray Taliska Booliska Puntland

Garoowe: 04 December 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Hoggaamada Ciidanka Booliska sida Xafiiska CID-da, xafiisyada shaqo ee Fara-baarista, Kuwa Isgaarsiinta iyo dhismaha cusub ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland, Waxaana uu ka dhegaystay warbixinta Amniga, shaqada socota iyo qorsheyaasha horumarin ee yaalla. Wuxuu Madaxweynuhu faray in la dardargeliyo adeega amni ee Bulshada loo hayo.

Dowladda Puntland waxay ahmiyad gaar ah siisay Amniga iyo Ciidamada, Isbedelka iyo tayeynta Ciidanka Booliiska Puntland waa mid ka muuqda xarunta Taliska Ciidanka Booliska, Saraakiisha iyo dhammaan Ciidanka Booliska Puntland meel walbo oo ay joogaan.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading