VIDEO: Madaxweyne Deni oo la kulmay Isimada dhaqanka Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Kulan Qado Sharaf ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Puntland Isimada Dhaqanka Puntland intooda hadda ku sugan caasimada Garoowe.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil , Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading