Video:-Madaxweyne Farmaajo oo ka gudoomay waraaqihisii aqoonsiga safiirka cusub ee Shiinaha

Madaxwaynaha dowladda Fadaraalka Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqaddaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiisan doonna Soomaaliya.

Qin Jian ayaa dhowaan dowladda Shiinaha u soo magacowday Danjiraheeda Soomaaliya isagoo bedelay danjirihii hore.

Madaxweyne Farmaajo iyo danjire Qin Jian ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee Somalia & Shiinaha iyo sidii loo xoojin lahaa.

Farmaajo iyo danjire Qin Jian ayaa gebagebadii kulankaas isku dhaafsaday hadiyado kala duwan oo ka turjumaya dhaqanka labada dal, waxaana qabiladaas ay ku soo dhamaatay jawi aad u dagan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading