Video:-Madaxweyne Gaas oo ku tilmaamay xildhibaanada Nairobi ku shiray qaswadayaal”

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqasho ku jooga Dalka Norway,habeenkii xalay ahaana ka qaybaglay xaflad balaaran oo ay jaaliyada Puntland ee Norway kusoo dhawaysay, ayaa uga digay xildhibaanadda labada aqal ee dowladda federaalka in shido iyo dhibaato lagu abuuro xukuumadda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre.
 
”Sida aad la socotaan waxaa Magaalada Nairobi ku shiray Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka Soomaaliya iyo aqalka Sare,waxaan u sheegaynaa ka yeeli mayno in dowlad 3 bilood Jirta in la shideeyo,”ayuu yiri madaxweyne Gaas.
 
Madaxweynaha oo ka hadlay xaflad ay jaaliyadda Soomaaliyeed ku soo dhaweeynayeen, wuxuu ku tilmaamay xildhibaanadii Nairobi ku shiray kuwa qaswadayaal ah, oo aan awood u lahayn inay dumiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading