Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti ay hogaminaysey Safiirka wadanka Filand u qaabilsan arrimaha Soomaliya Miss. Tarja Fernandez oo ah markii ugu horaysey ee ay timaado Puntland.
Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Ku wehelinaayey masuuliyiin ka tisan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Kulanka oo ay debed joog ka ahaayeen warbaahintu ayaa waxaa markuu soo idlaaday Madaxweynaha Dawladda Puntland uu sheegay warfidiyeenada in Puntland iyo Dalka Finland ay leeyihiin xiriir aad u wanaagsan isla markaana ay ka dhexayso wadashayn dhow.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tibaaxay in ay safiirka iyo weftiga wehelinayey ka wada hadleen Mashaariicaha horumarineed ee dawladda Filand ay ka fuliso Puntland iyo sidii ay usii horumarin lahaayeen, isla markaana ay ugu dedaalilahayeen sidii ay ugu soo dhamaan lahaayeen guul dhamaan mashaariicdaasi.
Dhica kale Safiirka wadanka Finland u qaabilsan arrimaha Soomaliya Miss. Tarja Fernandez ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay wada shaqyanta Puntland iyo dalkeeda isla markaana ay sii wadidoonaan wadashaqayntaasi ay la leeyihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana ay intaasi raacisay in ay Dawladda Puntland iska kaashadaan badiyaaba arrimaha caafimaadka.
Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dawladda Finland uga mahad naqay wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay diyaar u yihiin joogtaynta iyo dardar gelinta wada shaqayntaasi.
–DHAMMAAD—
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta 29 March 2017 xafiiskiisa Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti ka socdey Qaramada midoobey oo uu hogaaminayey Mr. Serge G. Kubwimana.
Kulanka uu layeeshay Madaxweynehu weftigan ayaa waxaa ku weghwlinayay masuuliyiin ka tisan goloyaasha Dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.
Weftiga uu hogaaminayey Mr. Serge G. Kubwimana ayaa ka soo kicitimayay Jamciyada Quriuumaha Kadhexaysa ee New-york, waxaana ay Madaxweynaha kawada hadleen arrimo la xiriira sidii Soomaliya ay ku gaari lahayd doorasho hal qof iyo hal cod ah 2020 iyo sidii looga midha dhalin lahaa nindaamka xisbiyada badan ee uu madaxweynuhu daahfuray.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn ku soo dhoweeyey weftiga Puntland gaar ahaan Madaxtooyada Garoowe oo uu kulan koodu ka dhacay, waxaana uu madaxweynuhu u sheegay weftiga in aanay fududayn sidii Soomaaliya looga hirgelinlahaa doorasho hal qof iyo hal cod ee ay u baahan tahay dedaal aan joogsi lahayn isla markaana ay lagama maarmaan tahay in lasameeyo qorshe cad oo lagaga hortegi karo caqabadaha manta hortaagan Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shay in beesha caalamka loo baahan yahay inay doorfiican ka qataan sidii soomaaliyo 2020 loo gaadhsiin laha hiigsiga hal qof iyo hal cod taas oo uu micneheedu yahay in aftidda shacabka lagu gaadho doorasho xor iyo xalaala, isla mar’ahaantaana waxa uu cadeeyey in Dawladda Puntland ay markasta diyaar u tahay kamidha dhalinta arrinkaasi.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wetiga u sheegay in Puntland dhowaan ka hirgeli doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah, maadaama uu daahfuray Madaxweynuhu nidaamka xisbiyada badan, isla mar ahaantana ay ka mid ahayd balan qaad yadiisi doorashada kahor inta aanu Madaxweynaha ka noqon Puntland.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa weftiga la qadaa dhigay in arrimaha doorashoyinka ka Soomaliya ay hormuud u tahay Puntland, isla markaana ay wadada doorasho hal qof iyo hal cod ah dhowaan u jeexi doonto Puntland guud ahaan Soomaaliya oo dhan.
–DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYI-GELINTA HIDdAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.