Video:-Madaxweyne Gaas oo qado sharaf usameeyay beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 27 August 2018 waxaa booqasho iyo salaan ugu tegay Beeldaajiyaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland.

Booqashadan uu madaxweynuhu ugu tegay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Cabdullaahi Beeldaaje Iismaaciil ayaa waxaa ku wehelinayey saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa kulan gaara la qabatay Beeldaajaha, kulankaas oo ahaa mid is xogwaraysi, islamrkaana madaxweynaha Dawladda Puntland uu ku dhiiri gelinayey taabagelinta nabadaynta beelaha, xoojinta dhaqanka iyo sidii loo dhowri lahaa dhaqanka bulshooyinka Puntlnad.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa maanta martiqaad qado sharafeed ah ugu samayeey qasriga madaxtooyada Dowladda Puntland ee Magaalada Garoowe Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading