Video:-Madaxweyne Gaas Oo si adag u difaacay Xiriirka Puntland iyo Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga Ciidanka Badda Puntland ee Magaalada Boosaso ayaa sheegay in aysan jirin dowlad ama cid kale oo u buuxin karta kaalinta ay Imaaraadka ugu jirto.
 
Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay wararka lagu baahiyay baraha bulshada ee sheegaya in saraakiil Ciidan oo tababarayaal ah ay ka baxeen Puntland khilaafka kala dhaxeeya dwolada fadaraalka dartiis.
 
”Warka uu qoray Haaruun Macruuf ee uu ku sheegay in uu kasoo xigtay ilo lagu kalsoonaan waa waxba kama jiraan”ayuu yiri Madaxweyne Gaas..
 
Madaxweyne Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland iyo Imaaraadka Carabta ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo taariikhiya wax dhexgali karaana aysan jirin.
 
Sidoo kale Madaxweyne Gaas waxuu xaqiijiyay in taageeradii Imaaraadku siin jiray Puntland ee dhanka amniga iyo horumarinta kaabayasha dhaqaalaha ay sideedii tahay siina socon doonto.
 
Hadalka Madaxweyne Gaas ayaa kusoo aadaya ka gadaal markii dowlada Imaaraadka carabta ay soo saartay war ay ku xaqiijinayso in ay sii wadayso taageerada ay siiso Puntland.
 
 
 
Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading