Video:-Madaxweyne Mustafe muxuu ula jeeday tusaale usoo qaadashada Somaliland?

Isagoo la hadlaya Baarlamaanka ayuu Madaxweyne Mustafe yiri sida tan”Sida uu dalka inta kale u xaroobay waa in baarlamanakuna xor unoqdaa oo waajibaadkiisa shaqo ugutaa oo aniga su’aalo ii waydiin karaa ilana xisaabtami karaa,waxaan ka hadlayo mahan Maraykanka iyo Ingiriiska ee waa sida kan noo dhow ee Somaliland”.

Hadaba hadlkaas mahan mid xun ama liita oo lala yaabo,balse waa mid bogaadin iyo soo dhaweyn mudan,waxase dad badan ay ka hakadeen su’aalana iska waydiiyeen waxay tahay tusaalaha Somaliland.

Madaxweyne Mustafe muxuu Somaliland u yaqaan?

Muxuuse ka fahansan yahay Somaliland?

Siyaasi kasoo jeeda DDS ma uqalantaa in afkiisa uu warkaas kasoo baxo?

Madaxweyne Mustafe hogaamintiisa maxaa laga filan karaa hadiiba waaqicigiisu sidaan yahay?

Maamulka Somalida ee ”Somali State”waxuu soo jiray mudo ka badan 20-sano waxaa u dhamaystirmay dhamaan haykalkii dowladnimo.

Madaxweyne Mustafe nasiib wanaagiisa waxuu kusoo aaday xiligii uu ugu wanaagsanaa maamulka Deegaanka oo la oran karo waxuu la wareegay maamul dowliya oo wax walba u dhamaystiran yihiin.

Hadaba in uu maamul beeleed ku dhisan cunsuriyad iyo cuqdad wax horumar ah oo u sameeyayna uusan jirin,isla markaana golahiisa baarlamaanku aan la dooran ama la badalin mudo ka badan 7-sano,isla xisaabtankiisuna ku qotomo musuqmaasuq gaamuray in u tusaale usoo qaato waxay muujinaysaa xog ogaal xumida Madaxweyne Mustafe iyo sida uu uga dhacsan yahay waaqiciga siyaasiga ah ee Geeska.

Inta badan siyaasiyiinta beesha reer Isaaq ee uu kasoo jeedo Madaxweyne Mustafe waxaa lagu tilmaamaa niman aan ku fiicnayn hogaaminta,isla markaana an lahayn dad wadasho wanaagsan kana fog qadiyadaha guud ee masiiriga ah kuna mashquula caadifad hoose aana la xisaabtamin cadawyada soo jireenka ah kuna dhiifoonayn hagardaamooyinkooda.

Tusaale waxaa kuugu filan soo dhawaysashada madaxweyne Mustafe uu durba hoosta soo gashtay shaqsiyaad caan ku ah isir nacayb khatarna ku ah jiritaanka nidaamka dowliga ah ee deegaanka,kuwaasoo u dhashay beesha Shiikhaal ee reer Awqudub uuna ka mid yahay Cadnaan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading