Video:-Madaxweynihii hore Ee DDS Cabdi Iley oo ugu danbayn xabsiga loo taxaabay

Ugu danbayn Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar waxaa loo taxaabay Xabsiga.
 
Ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan Fadaraalka Booliska dowlada dhexe,ayaa saakay isku gadaamay hoygiisa magaalada Adis-ababa.
 
Ciidamadan saakay qabtay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa sidoo kale hubka ka dhigay ilaaladii gaarka ahayd ee Madaxweynaha.
 
Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa loo haystaa danbiyo fara badan oo iskugu jira Dad la dilay,kuwo mudo si aan waafaqsanayn sharciga loo xiray,kuwo la jirdilay iyo sidoo kale kuwo la gubay iyagoo nool.
 
Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee HRW ,ayaa dhawaan baahisay muuqaal dad tacadiyo loogu geysanayo Xabsiga Jeel Ogaadeen ee magaaladda Jigjiga.
 
Ra’isalwasaare Abiye ayaa maalin ka hor shir jaraa’id oo uu qabtay waxuu ku sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar sharciga itoobiya la marsiin doono.
 
Dadka falanqeeya siyaasada itoobiya,ayaa u arka mid siyaasadaysan qabashada iyo eedaynta kalinimada ah ee Cabdi Maxamuud Cumar ee aysan qayb ka ahayn siyaasiyiintii waa weynaa ee dowladii Tigreegu horboodayay.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading