Video:-Marwada Koowaad oo hanbalyo udirtay Haweenka Soomaaliyed

Munaasibadda 8-da Maarso oo ay Haweenka adduunka si weyn u xusayaan maanta ayaa waxaa Hambalyo ku aadan Maalintan u dirtay Haweenka Soomaaliyeed Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Seynab Cabdi Macallin.

“Waxaan Hambalyo ku aadan maalinta Haween weynaha Adduunka u dirayaa Haweenka Soomaaliyeed, waxaana idin leeyahay sannadkan sannadkiisa kale Eebbe ha nagu gaarsiiyo Nabad iyo Barwaaqo” ayay tiri Marwada Madaxweynaha Dalka.

Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa tiri “Xuska 8-da Maarso waa maalin loo dabaaldego horumarka ay ku tallaabsadeen Haweenweynaha adduunka, waana inaan is xusuusinaa caqabadaha ku horgudban haweenka Soomaaliyeed, ahna kuwa ugu nugul bulshada uguna waxtarka badan”.

Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa ugu baaqday Haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iney laba jibaaraan dadaalkooda, kaalin muuqatana ay ka qaataan dib usoo nooleynta dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay ka shaqeeyaan midnimada Umadda Soomaaliyeed,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/cZ-GUB-20rM


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Video:-Marwada Koowaad oo hanbalyo udirtay Haweenka Soomaaliyed"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading