Video:-Maxaa dib usoo ceshay Mudaaharaadyadii mucaaradka Kenya?

Isbaheysiga mucaaradka Kenya ee Azimio ayaa sheegay in ay maanta dib u billaabayaan mudaaharaadyada ka dhacaya magaalada Nairobi ee ay kaga cabanayaan qiimaha maciishada iyo wax isdaba marin la sheegay in lagu sameeyay doorashadii madaxtinimo ee sanadkii hore.

Hoggaamiyaha Azimio ahna Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga,ayaa waxaa si dirqi ah kaga guuleystay Madaxweyne William Ruto doorashadii dhacday Agoosto sanadkii hore.

Odinga,ayaa hakiyay mudaaharaadyada Saddex Toddobaad ka hor kaddib markii Madaxweyne Ruto uu sheegay in wadahadal lala yeesho mucaaradka.

Odinga,ayaa hadda Dowladda ku eedeeyay in aysan dhab ka ahayn wadahadallada.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading