VIDEO: Maxaa ka jira in UNHCR ay soo dhiibtay Deeqdii ay sheegatay DFS ?

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Shabakadda Idil News in diyaaradihii waday gargaarka ee maanta soo gaaray magaalada Garoowe ay ahaayeen Deeq si toos ah uga timid Hay’adda UNHCR, kaddib codsi ay u dirtay Hay’adda Xukuumadda Puntland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Wasiirada kasoo jeeda degaanada Puntland ay diyaaradaha soo raaceen, kaddib markii ay ogaadeen in diyaarado gargaar wada u safrayaan degaanada Puntland, maadama duulimaadyadii kale ee dalku hakad ku jiraan.

Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mohamed Dhabancad, ayaa caawa beeniyay hadal ay maanta jeediyeen Wasiirada diyaarada la socday, kaas oo ahaa inay DFS soo dhiibtay deeqdan.

Dowladda Puntland ayaa horey u shaacisay lacag $1,000,000 oo dollar ah oo DFS ugu deeqday gurmad Qardho.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading