VIDEO: Maxaa ka jiro inuu khilaaf uu ka dhex-jiro Wasaaradda Warfaafinta Puntland ?

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland, oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Garoowe ayaa beeniyay warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhex marayay baraha Bulshada, kuwaas oo ku aadanaa inuu khilaaf ka dhex-jiro Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo dhaqanka Dowladda Puntland Cabdi Xasan Sabarey, ayaa sheegay in uusan jirin khilaaf kala dhexeeya Agaasimayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiir Sabarey ayaa xusay inay wararkaas baahiyeen qaar kamid ah Wabsite-yada, kuwaas oo ay wasaaraddu ka qaadi doonto talaabo adag.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading