Video:-Maxaa kasoo baxay Kulankii aan caadi ahayn ee ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada Fadaraalka ?

Shir aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxaana shirka lagu ansixiyay hab maamuuska xeerka lagu aas aasay Midowga Afrika ee khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika.

Xeerkan ayaa waxaa Golaha Wasiirada horgeeyay kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Mahada Cabdalla Cawad, mana jirin cid diiday, iyada oo ugu dambeyn ay ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa waxa uu sheegay hab maamuuska ay leeyihiin Midowga Afrika ay Soomaaliya Gudoomiye ka tahay, kuxigeena ay ka tahay Gabar ka soo jeeda Jabuuti, aadna uu muhiim u ahaa in la ansixiyo.

Intaasi kadib Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Golaha wuxuu warbixin ka siiyay safarkii uu ku tagay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, wuxuuna sheegay in Dowladda Belgium-ka ay aaminsan tahay in ay si dhow ula shaqeyso Soomaaliya.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading