Video:-Maxaa kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada Puntland?

Shirka khamiislaha ah ee Gollaha xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir gudoominayay Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta looga hadlay xaalada guud ee dalka sida maanka waxbarashada ,caafimaadka iyo qorshayaasha horyaala xukuumadda.

Ugu horeyn madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa warbixin ka dhageystay wasaarada amniga iyadoona wasaaradu ay sheegtay in guud ahaan amniga dalka uu sugan yahay.

Madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in isbedel guud lagu sameynayo ciidamada Puntland isla markaana ay dowladu diyaarisay qorshe balaaran oo lagu horumarinayo ciidamada dowlada Puntland si loo helo ciidan tiro ahaan iyo tayo ahaanba leh muunad dowladnimo.

Dhinaca kalena madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ka dhageystay guud ahaan wasaaradaha warbixino dhameystiran oo la xiriira habsami u socodka howlaha shaqo ee dalka gaar ahaan arimaha adeegyada bulshada,hoos u dhaca sicirka suuqa iyo adkeynta shuruucda dalka.

Ugu dambeyn madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga Dabagalka iyo Tirakoobka Hantida Dawladda’ kuwaas oo loogu talagalay inay gollaha hor keenaan warbixin ku aadan Hantida Dowladda,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading