VIDEO: Maxaa looga hadlay kulanka maanta ee Baarlamaanka Puntland ?

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL, waxaana fadhiga soo xaadiray 44 Mudane.

Fadhiga maanta waxaa mooshin ku saabsan in wax-ka-bedelka lagu sameeyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakillada soo jeediyey Guddiga Shuruucda & Caddaaladda, waxaana xildhibaannada Golaha Wakiilladu ku taageereen cod aqbaliyad ah oo (41) Mudane ku oggolaadeen, halka hal (1) Mudane diidey, ayna ka aamuseen Labo (2) Mudane.

Dhinaca kale, isla fadhiga 8-aad ee maanta waxaa Goluhu cod aqlabiyad ah ku oggolaadeen ansixinta iibka Dhulka Laanta Bangiga Degmada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug, si waafaqsan 52-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, taasoo Madaxweynaha Dawladda Puntland u soo gudbiyey Golaha Wakiillada codsi ku saabsan Ansixinta IIbka Dhulka Laanta Bangiga ee Degmada Gaalkacayo, Kadibna codeyntaasi u dhacday sidan: Oggol (41) Mudane, diidmo (0) aamus (2).

Ugu dambeyntii, fadhiga maanta waxaa Wasaaradda Maaliyaddu Golaha u soo gudbisay Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2020, si waafaqsan qodobka 137-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, Xisaab xirkaas oo lagu wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada, si ay warbixintooda la xiriirta arrimaha xisaab-xirka 2020 ugu u soo gudbiyaan golaha Maalinta Sabtida 3 bisha Luulyo,2021.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading