Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashiid Yuusuf Jibriil oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey Fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa warbixin Goluhu kaga dhegaystay guddiga gaar ah oo uu 22.07.2021 guddoomiyuhu u magacaabay soo ururinta talo-soojeedinihii guddiyada Golaha ee kalfadhiga 48-aad.
Ugu dambayntii, Golaha Wakiilladu isagoo ka duulaya Qodobka 64-aad (6) ee Dastuurka oo sheegaya “ Ka doodista, kormeeridda, dhaliilidda iyo talo-ku-biirinta siyaasadda iyo barnaamijka wax-qabadka xukuumadda” wuxuu cod aqlabiyad ah ku meelmariyey qaraar baarlamaani ah oo ku aaddan talo- soojeedinta guud ee kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada, si loogu gudbiyo Golaha xukuumadda.













Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.