VIDEO: Maxaabiis ku xiran Xabsiga weyn ee Garoowe oo cabanaya

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland, ayaa maanta kormeeray xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe.

Kormeerka Masuuliyiinta ayaa ku qotamay u kuurgalida xaalada Maxaabiista ku xiran xabsiga weyn oo ay kamid yihiin Maxaabiis ku eedeysan falal Burcad badeednimo, kuwaas oo laga keenay Seychelles, mudana ku xirnaa Xabsiga.

Masuuliyiinta ayaa mid mid u xog-wareystay Maxaabiista, Iyagoona weydiinayay xaaladooda, waxaana maxaabiistu ay sheegeen inay u baahan yihiin Cadaalad, maadama aysan illaa hada helin qareeno u dooda.

https://www.youtube.com/watch?v=lcfkERdWuz4&feature=youtu.be

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading