Video:-Maxaad ka xasuusataa Dagaalkii Carabta iyo Srael 1973

Dagaalkii u dhexeeyay dalalka Carabta iyo Israa’iil waxaa haatan laga joogaa muddo 47 sano ah, dagaalkaas wuxuu bilowday 6-dii bishii Oktoobar ee sanadkii 1973-dii.

Israa’iil si weyn ayaa looga maamusaa maalinkaas oo loo yaqaano ‘Yawm Keybuur), waa maalin dadka Yuhuudda ay u arkaan inay tahay muqaddas oo ay soomaan isla markaana cibaadeystaan.

Weriyaha BBC-da ee Bariga Dhexe Kevin Connelly ayaa sheegay in maalinkan ay si weyn u qaddariyaan dadka yuhuudda xilliggaasina Israa’iil ay wajaheysay dhibaato.

Isla sanadkii 1973-dii, Masar iyo Suuriya waxay weerar ku qaadeen Israa’iil iyo ilaa hadda dagaalkaasina saameyntiisa waa mid taagan.

Dagaalkii 1967-dii, Israa’iil waxay guul kasoo hoyisay dagaalkii ay la gashay Masar, Suuriya iyo Urddun.

Maalinkaas, Israa’iil waxay qabsatay dhul ballaaran oo ay kamid yihiin gacanka Siinay ee Masar, buuraha Golan Heights iyo Daanta Galbeed oo ay ka qabsatay Urddun, wixii wakhtigaas ka dambeeyay Masar iyo Suuriya waxaa ka go’neyd inay dib u qabsadaan dhulkii lagala wareegay.

Horraantii sanadihii toddobaatamaadkii waxaa dunida ka taagnaa dagaalkii qaboobaa, Marekanka wuxuu taageero siinayay Israa’iil halka midowgii Soviet uu taageerayay Masar iyo Suuriya, dagaalka u dhexeeyay dalalka carabta iyo Israa’iil wuxuu galay waji kale oo ah inay kusoo biiraan labadii quwadood ee dunida xilliggaas ka talinayay.

Mareykanka wuxuu heystay hub casri ah oo uu siin jiray Israa’iil, xukuumadda Tel Aviv waxaa uu suurogashay inay ka hortaggaan ciidamadii Masar iyo Suuriya, waxayna qabsadeen dhul badan, waxaana la bilaabay dadaallo caalami ah oo lagu joojinayo dagaalka.

Madaxweynihii xilliggaas ee Mareykanka Richard Nixon ayaa waxaa uu warqad u soo diray hogaamiyihii midowga Soviet ,Leonid Brezhnev.

Ra’iisul Wasaarihii Ingiriiska Edward Heath wuxuu ku eedeeyay madaxweynihii Mareykanka Nixon in isku dayayo in dadka uu ka weeciyo fadeexaddii Watergate

Ra’iisul Wasaarihii Ingiriiska Edward Heath wuxuu ku eedeeyay madaxweynihii Mareykanka Nixon in isku dayayo in dadka uu ka weeciyo fadeexaddii Watergate.

Leonid Brezhnev wuxuu ka digay in Ruushka laga yaabo in uu soo farageliyo dagaalka Israa’iil iyo Masar, Israa’iil waxay dagaalka ka gaartay horumar kaddib markii ciidamo uu hogaaminayay Janaraal Ariel Sharon ay u gudbeen kanaalka Suez.

Dokumentiyo qarsoodi ah oo laga soo xigtay dowladda Britain sanadkii 2004-tii ayaa lagu sheegay in dowladda Britain aanay si buuxda lagala tashan heeganka Mareykanka uu geliyay hubkiisa nukliyerka xilliggii uu socday dagaalkii 1973-dii Oktoobar ee dhexmaray Carabta iyo Israa’iil.

Weriyihii BBC-da ee uga warrami jiray arrimaha caalamka Paul Reynolds ayaa sheegay in 30 sano kaddib la daabacay warbixintaas qarsoodiga ah, Ra’iisul wasaarihii Britain Edward Heath wuxuu ku eedeeyay madaxweynihii Mareykanka Richard Nixon in uu wado isku dayo ku aadan in uu indhaha dadka uu ka jeediyo fadeexaddii Watergate.

“Waa in aan wajahnaa xaqiiqda ah in tallaabada Mareykanka ay horseeday waxyeellen weyn” ayuu yiri Heath sida ku xusan dokomentiyada.

“Ma dayalsan karno saameynta ay tallaabadan ku reebtay caalamka intiisa kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wuxuu sheegay in dhacdadan ay tusaale u tahay kala tegii soo gaaray Mareykanka iyo xulafadiisa.

Maxaa laga wadaa xaaladda DEFCON 3?
Heegaanka iyo diyaargarowga la geliyay militariga Mareykanka xilliggaas waxaa la gaarsiiyay heerka saddexaad ee xaaladaha gaashandhigga ee la yiraahdo “DEFCON 3”

Heerka “DEFCON 3” wuxuu ka kooban yahay ilaa shan heer, balse heerkan saddexaad wuxuu ka dhigan yahay in dhammaan ciidamadii qaabilsanaa nukliyerka la geliyo heegan buuxa.

Dr. Kissinger oo ka tirsanaa dowladda Mareykanka xilliggaas wuxuu ku wargeliyay safiirkii Ingiriiska u fadhiyay Mareykanka in heegan la geliyay hubka nukliyerka.

Balse ma jirin cid si dhab ah u qaadatay tallaabadaas.

Mana jirin cid ku wargelisay Ra’iisul wasaarihii iyo wasiirkii arrimaha dibadda Ingiriiska.

Dhibaatadii heystay safiirka
Dhibaatadii taagneyd waxay aheyd in xiriirka uu xumaa.

Safiirkii Britain ee u fadhiyay Mareykanka wuxuu ka gaabiyay in warka ku saabsan tallaabada Mareykanka uu gaarsiiyo London tan iyo ilaa xilli dambe.

Ra’iisul wasaarihii Ingiriiska Edward Heath ayaa weydiyay sababta ay arrintaas ku dhacday?

Wuxuu ku jawaabay safiirka “Ma uusan la joogin qofka kale oo ku wehlinayay kulanka oo warka Londonu gudbin karay maadama uu kaligiis ahaa”

Shidaalka
Waddamada Khaliijka oo hodan ku ah shidaalka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay waddamada reer galbeedka si ay tallaabo uga qaadaan maadama ay taageereen Israa’iil. waxay tallaabadaas ku sheegeen “Shidaalka hubka ah”

Cunaqabateynta shidaalka ah ay ku dhawaaqeen dalakii carabta waxay si weyn u saameysay dalalka reer galbeedka, waxaana hoos u dhacay dhaqaalihii caalamka muddo sanado ah.

Madaxweynihii Masar Anwar Saadaat oo saxeexay heshiiskii Masar ay la gashay Israa’iil
Qoraalka sawirka,
Madaxweynihii Masar Anwar Saadaat oo saxeexay heshiiskii Masar ay la gashay Israa’iil

Wixii xiliggaas ka dambeeyay, Mareykanka iyo dalalka Yurub waxay bilaabeen inay ka fakaraan inay la yimaadaan wax soo saar kale oo aan aheyn shidaalka maadama cunaqabateyn lagu soo rogay.

Dagaalkaas wuxuu si ba’an u saameeyay Masar oo markii dambe xiriirka u jartay Soviet-ka, waxayna ku biirtay isbaheysigii uu hogaaminayay Mareykanka, sanado ka dib Masar waxay heshiis la gashay Israa’iil si loo joojiyo colaadda.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading