VIDEO: Maxamed Nuur oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Puntland (Sawirro)

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 48-aad.

Fadhiga maanta ayaa waxaa Golaha Wakiillada DPL hor-yimi, Maxamuud Nuur, Xildhibaan Aqalka Baarlamaanka ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Xil. Maxamuud Nuur ayaa khubad dheer oo uu u jeediyey Golaha Wakiillada DPL waxa uu ka hadlay sida ay muhiim u tahay iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex marta Baarlamaanada Puntland iyo Minnesota, isaga oo xusay inay ka shaqeynayaan sidii qurba-joogta Puntland ee ku nool dalka Mareykanka maal-gashi ugu sameyn lahaayeen dalka.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Avv: Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan ayaa uga mahadceliyey Xildhibaanka booqashada uu ku yimi Aqalka Wakiillada isaga oo xusay inay muhiimada siinayaan wada-shaqeynta labada Baarlamaan.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha ayaa ku war-geliyey Xildhibaanada in Golaha fasax sii ahaan doono illa inta laga soo gudbinayo liiska Musharaxiinta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading