Video:-Maxay daaran tahay booqashada James Swan Ee Baydhabo

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta tegay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaas oo uu kulan kula qaatay Madaxda kala duwan ee dowlad goboleedka Koofur-galbeed.

Wafdiga uu hogaaminayo Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxda Koonfur Galbeed iyo dadweyne aad u fara badan.

Intaas kaddib wafdiga iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareenI iyo qaar ka mid ah maamulkiisa ayaa kulan gaar ah la qaatay James Swan Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo xoojinta amniga,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading