VIDEO: Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka QM ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka cusub ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha Deni iyo Danjire James Swan ayaa ka wada-hadlay Xoojinta xiriirka Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), iyo sidii loo dardar-gelin lahaa Wada-shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo Danjiraha Qaramada Midoobay, ayaa ka wada-hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland oo bishii May ee sanadkan joojisay Wada-shaqeyntii ay la laheyd.

Madaxweynah Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo Wakiilka cusub ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa kulanka kaddib Shir Jaraa’id ku qabtay Madaxtooyadda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://www.youtube.com/watch?v=EZXGjraM2YI&feature=youtu.be

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading