Video:-Maxay kawada hadleen Madaxda Somalida iyo Michael Keating*?

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa soo gaaray Magaalada Kismaayo, Waxaana garoonka diyaaradaha ku kusoo dhaweeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Mas`uuliyiin kale oo kamid ah golayaasha dowlada Jubaland.

Soo dhaweynta ka dib waxaa loo soo galbiyay Guriga Nabadda Jubbaland,halkaas oo uu kula kulmay dhammaan Madaxda dowlada xubnaha ka ah dowlada fadaraalka Soomaaliya

Keating,ayaa la qaatay madaxda Somalida kulamo gaar-gaar ah ,ka hor kulan balaaran oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan Madxda dowlada Goboleedyada iyo Waftiga qaramada midoobey ee uu hogaaminayo Michael Keating.

Kulanka madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka iyo Wakiilka Qaramada midoobey ee ka dhacay Guriga Martida kismaayo saakay,waxaa shir gduoominayay Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Somaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu uxirnaayeen,ayaan ilaa iyo hada la shaacin qodobada laga wada hadlay ama kuwa kasoo baxay ee laysku afgartay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading