Video:-Maxuu yahay qorshaha iyo caqabadaha horyaala Madaxweyne Mustafe?

Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar, waxaa la sheegayaa iney jiraan caqabado uu la kulmi karo. Dhowr dhinac ayaa la sheegayaa in ay caqabadahaas kaga imaan karaan. Qormadan ayaan mid mid ugu eegi doonnaa caqabadahaas, waxa ay yihiin, iyo dhinacyada ay uga imaan karaan.
 
Liyuu Boolis
 
Caqabadda ugu horreysa ee uu la kulmi karo madaxweynaha ayaa waxaa lagu tilmaamay iney noqon karto mid uu kala kulmo ciidamada Liyuu Booliska deegaanka oo uu aasaasay, daacadna u ahaa madaxweynihi hore ee deegaanka ee xilka iska casilay, Cabdi Maxamuud Cumar.
 
– Ciidanka oo aan loo diyaarinin nidaam qumman oo lagu hagi karo, laguna beddeli karo dhaqanki hore ee lagu eedeeyo inay lahaayeen ee ku saleysnaa dilka, dhaca, boobka iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha.
 
– Ciidanka qaar ka mid ah, gaar ahaan saraakiisha ugu sarreeysa oo ah kuwo lagu tilmaamo inay dambiyo badan shacabka ka galeen oo lama huraan ay noqonayso in lala xisaabtamo, ciddi dambi lagu helana sharciga la horkeeno. Qodobkan wuxuu imaan karaa haddii aysan dhicin is cafin iyo dib u heshiin.
 
– Qaar ciidanka ka mid ah oo weli daacad u ah madaxweynihi xilka ka tagay ee Cabdi Maxamuud Cumar oo diiddan isbeddelka deegaanka ka socda.
 
Qaab dhismeedka deegaannada”
 
Caqabadda kale ee uu la kulmi karo waa degmooyinka iyo ismaamul loo sameeyey magaalooyinka cusub, kuwaasoo uu Cabdi Maxamuud Cumar ku dhawaaqay maalmihi ugu dambeeyey ee uu xilka ka sii tagayey.
 
Haddii uu isku dayo madaxweynaha inuu qaab dhismeedka deegaanka lagu soo kordhiyey wax ka beddelo waxay dadka wax indha indheeya sheegayaan inay keeni karto in bulsho badan oo degmooyinka iyo ismaamul magaalooyinka la sameeyey ku faraxsanaa ay ka hor yimaaddaan maamulka Mustafe Cagjar.
 
Haddaba isbeddelka dhinaca maamulka guud ahaan ee heer deegaan, gobol, degmo iyo tuulo ee uu madaxweynaha ku dhawaaqay inuu isbeddel ku samaynayo maxay noqon kartaa mushkiladda kala dhalan karta?
 
Isbeddellada guud ee dhinaca maamullada ee uu madaxweynaha cusub samayn doono haddii ay noqoto in dhammaan dadkii xilalka u soo hayey maamulki hore la dareeriyo iyada oo aan loo kala saarin cidda khaldan, aqoon iyo khibrad ku filan aan lahayn iwm, waxay keeni kartaa in xog badan oo dowladeed oo ay maamulladii hore gacanta ku hayeen la waayo, ama ay sababto boob hanti iyo arrimo la mid ah, taasina ay caqabad ku noqon karto isbeddelka uu doonayo inuu madaxweynaha cusub sameeyo.
 
Dhinaca siyaasadda la xidhiidha, xiriirka uu maamulka madaxweyne Mustafe a yeelanayo Dowladda dhexe waxyaabaha madmadowga soo gelin karo oo u baahan in aad looga taxaddaro sida go’aannada ay ka midka yihiin magaca deegaanka ee la beddelay DDSI loo beddelay DDS, heesta astaanta deegaanka u ahayd oo lagu beddelay tii hore ee ahayd Soomaaliyeey Toossoo Toossoo iskku tiirsada…, Calanka degaanka ee la beddelay iwm.
 
Dhammaan qodobbadaa iyo kuwa la midka ah dadka arrimaha gobolka aadka ugu dhuun daloola waxay ku talinayaan in madaweynuhu uu aad uga fiirsado, sababtoo ah tillaabbooyinka qaar waxay keeni karaan inuu xumaado xiriirka uu la leeyahay dowladda dhexe, “maadaamaa arrimahaasi oo dhan inuu sameeyo Cabdi Maxamuud Cumar ay dowladda dhexe lafteeda kaalin ku lahayd”.
 
Waxaa kaloo caqabad culayskeeda leh noqon karta arrimaha dhulka iyo hantida ma guurtada, ayadoo dad badan ay sheeganayaan in dhul ay milkiyad u haystaan xoog looga qaaday.
 
Soo celinta hantida la aaminsan yahay in deegaanka iyo qasnadda dowladda ay leeyihiin oo la soo celiyo, oo ah waxyaabaha uu ku dhawaaqay madaxweynaha cusub inuu sameeynayo ayaa iyagana waxaa ka dhalan kara mucaaradad iyo kooxo isaga diiddan inay degdeg u sameeysmaan, sidaa darteedna uu isbeddel xowli ah samayn waayo, taasina waa waxyaabaha caqabadda ay ka dhalan karto oo u baahan si taxaddar leh inuu u fuliyo.
 
Dadka sida aadka ah ugu kuurgala siyaasadda deegaanka Soomaalidana waxay sheegayaan iney Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ay horyaallaan howlo aad u badan oo 11kii sano ee ugu dambeeyey qarribmay in la saxo, kuwaasoo noqon kara kuwo aan sahlanayn oo mixnad uu kala kulmi karo.
 
ONLF iyo Kooxaha mucaaradka”
 
Jabhadda ONLF oo ah jabhadda keli ee hubeysneyd ee muddo dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya si ay gobolka ay Soomaalidu degto oo hoos taga Itoobiya ay “uga xoreyn lahayd”, iyo ururrada mucaaradka ee ka abuurmay cadaadiska maamulka Cabdi Maxamuud Cumar sida Dulmidiid iyo SRAJ waxay doonayeen iney maamulka Cabdi markay ka takhalusaan ay xilka iyagu la wareegaan.
 
Waxaana isbahaysi ku heshiiyey ururrada Dulmidiid iyo SRAJ oo madaxweyne Mustafe uu ka tirsan yahay iyaga oo haddana aad ugu kala aragti duwanaa xagga aragtida mucaaradnimada, misna ONLF waxay kaga duwan tahay ayadoo dooneysa iney gobolka gabi ahaantiisba uu madax bannaani ka qaato Itoobiya.
 
Xisbiga talada deegaanka haya ee X D SH S I oo isaguna siyaasadda deegaanka miisaan ku leh ayaa ka mid ah dhinacyada loollanka siyaasadeed ee adag uu ka dhaxeeyo.
 
Haddaba, dhinacyadan siyaasadeed haddii uusan madaxweynaha sida ku habboon ula dhaqmin, qaab dhismeedka dowliga ee la dhisi doonana aan si buuxda looga qayb gelinin, waxaa adkaaneysa iney xaaladda siyaasadeed ee deegaanka degto, waxay taana ka mid ah caqabadda uu madaxweynaha la kulmi karo haddii uusan sida ugu munaasabsan u maareynin.
 
Isku dhacyada soo noqnoqda Oromada iyo Somalida”
 
Arrin kale oo laga sugayo, ishana lagu hayo sida uu u wajaho ayaa ah xiisadda u dhaxaysa Soomaalida iyo Orommada, taasoo gaartay meel aad u xun, saamaynna ku yeelatay magaalooyin ay labada qowmiyadood wada degaan ama xuduud ka leeyihiin.
 
Dhowrki sano ee u dambeeyey qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo derisnimo qarniyo badan ku soo wada noolaa ayaa waxaa ka billaabatay colaad daba dheeraatay oo ka duwan khilaafki horay labadaasi qowmiyadood u dhex mari jiray.
 
Waa kuma Mustafe Cagjar? Madaxweynaha cusub ee DDSI
Itoobiya oo ka hadashay xaaladda Jigjiga
Yaa isku haya siyaasadda deegaanka soomaalida Itoobiya?
Dr Abiy Axmed : Qoondada Soomaalida ku leedahay shidaalka waa 5%.
 
Haddaba dhibaatooyinka qowmiyadahaasi oo sanadihii ugu dambeeyey ahaa kuwa siyaasadeysan, sidii loo joojin lahaa, labada shacab ee xadka dheer wadaagana dib looga walaaleyn lahaa, ayaa waxay ka mid tahay caqabadda uu wajihi karo madaxweynaha cusub maxaa yeelay Soomaalida waxay tirsanayaan in dad badan laga laayey, dhulna laga qabsaday, Oromaduna waxay aaminsan tahay inuu dhul ka maqan yahay, Boqollaal kun oo qowmiyaddaasi ka tirsanna deegaanka laga soo barakiciyey oo hantidooda laga dhacay.
 
Labadaasi aragti ee kala fog isku keenidooda oo ah mid aad u adag ayaa waxay ka mid noqon kartaa caqabadaha uu wajihi doono madaxweynaha Cusub,hoos ka daawo muuqaalka..

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading