Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday rag loo heysto qarax dad badan ay ku dhinteen oo dabayaaqadii sanadkii 2018 ka dhacay Suuqa Kaawo-Godey
Ragga loo heysto qaraxaas ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Xasan Cali Barre, Sayid Cali Aadan Nuur ,waxaana Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ay sheegtay inay ka dambeeyeen qarixii ka dhacay 26kii Bishii November ee sanadkii 2018 Isgoyska Kaawo-Godey ee Magalada Muqdisho.
Maxkamada Ciidamada ayaa xukun dil ah waxaa ay ku riday Xasan Cali Barre,halka Sayid Cali Aadan Nuur lagu xukumay Xabsi Daa’in,,waxaana Maxkamadda ay siideysay Muxudiin Maxamed Axmed oo lagu waayay dambigaas.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.