VIDEO: Maxkamadda Racfaanka oo soo gaba-gabeysay dhageysiga Kiiskii Caa’isho

Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa maanta markii Saddexaad u fariisatay Dhageysiga Racfaanka Dacwadda Kiiskii Caa’isho Ilyaas aadan oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah fal afduub, kufsi iyo dil ah loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Qareenada u dooday Saddex Eedeysane ee loo heysto Kiiska oo horey Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobalka Nugaal ugu soo riday xukun dil ah, iyo Xeer ilaalinta ayaa hor-tagay Maxkamadda, Iyadoona dood kadddib kulanku soo idlaaday.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal, oo soo xiray kulanka Saddexaad ee dhageysiga Kiiska Caa’isho, ayaa sheegay in Maxkamaddu ay berri ku dhawaaqeyso Go,aanka Kiiska Caa’isho Ilyaas.

https://www.youtube.com/watch?v=xNQfqgcFgGo&feature=youtu.be

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading