Video:-Maxmakamada Ciidamada jubaland Oo dib u dhigtay dacwadii Askarigii dilay Xaaskiisa

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Jubbaland ayaa sheegtay in ay dib u dhigtay maxkamadeyna Askari ka tirsanay ciidamada Jubbaland oo horay u dilay Xaaskiiska 14-kii bishaan Abriil.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee ubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in dib u dhac uu ku yimid Maxkamadeynta Cabdulaahi Asad Ismaaciil oo horay u dilay Xaaskiisa.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kiisaska Maxkamada la horkeenay aysan soo dhameystirmin, sidaas daraadeedna aysan haynin caddeymo ku filan.

Waxay maxkamadda sheegtay in la isku soo laaban doono 15-ka bisha May ee soo socota lana gudageli doono dhageysiga dacwadda,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading