Video:-Midawga Yurub oo abaaraha Soomaaliya lacag ugu deeqay

Midowga Yurub ayaa sheegay inay soo ururiyeen lacag dhan 80 milyan oo Euro oo loogu talo-galay gargaarka bani’aadanimo ee abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in lacagtan ay qeyb ka tahay 140 milyan oo Euro oo loogu talo-galay guud ahaan abaaraha Geeska Afrika.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in dhowr dal oo xubno ka ah ururkaas ay si gooni ah caawimaad uga geysteen gurmadka abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in 6.2 milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar cunno, ay 2.9 milyan oo ka mid ah ku sugan yihiin xaalad deg deg ah oo ay u baahan yihiin cunno lala gaaro ka hor bisha June ee sanadkan.

Waxa ay ugu baaqeen hoggaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya inay si deg deg ah u wajahaan dhibaatooyinka bani’aadanimmo ee ka dhashay abaaraha Soomaaliya, islamarkaana beesha caalamka ay sare u qaado dadaallada looga jawaabayo baahida jirta.

Golaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in lagu dhaqmo casharadii laga bartay macluushii Soomaaliya ka dhacday sanaddii 2011, waxayna ku booriyeen dhammaan deeq bixiyayaasha iyo dadka ka shaqeeya arrimaha bani’aadanimada ay sare u qaadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale adkeeyeen muhiimaada in shaqaalaha gargaarka loo ogolaaado inay si buuxda oo nabdoon ku gaaraan dadka caawimaadda u baahan, si waafaqsan xeerarka gargaarka bani’aadanimo ee caalamiga ah.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading