Video:-Mukhtaar Rooboow oo warar ay sheegayaan in uu dawlada fadaraalka isku soo dhiibay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya ciidamo ka tirsan maamul K/galbeed ku sii jeedaan deegaanka uu ku sugan yahay Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo la sheegay ay siweyn ugu dhawaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.
 
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Al-shabaab damacsan yihiin ay qabtaan ama dilaan Mukhtaar Rooboow oo ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee Al-shabaab, hasse ahaatee waayadii ugu danbeeyay aan warkiisa la maqlay, kaddib markii ay isku dhaceen hogaamiyihii la dilay ee Al-shabaab Abuu-Zubeyr.
 
Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay liiska argagixisada ka saareen Abuu-Mansuur, taasoo keentay uu xujuum iyo guluf dagaal kala kulmo dagaalamayaasha Al-shabaab.
 
Maamulka Koonfur galbeed ayaa hadda u muuqda mid diyaar u ah in ay gacan siiyaan Mukhtaar Rooboow haddii ay soo weeraraan Al-shabaab,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/fJuSdX79a1U


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading