Video:-Muuse Cali Jaamac oo Maxkamad lasoo taagay

Muuse Cali Jaamac oo maalin ka hor ay Ciidamada amaanka Puntland ay utaxaabeen Xabsiga,ayaa maanta la horkeenay Maxkamada Gobolka Bari ee darajada koobaad.

Xeer ilaalinta,ayaa Muuse kusoo eedaysay gaf uu ugaystay garsoorka,waxaana dib loo dhigay Maxkamadayntiisa markale.

Muuuse oo qabsaday Qareen,ayaa iska diiday eedaynta loosoo jeediyay,waxaana Qareenkiisa codsaday inta laga gaarayo Maxakamadayntiisa danbe in damiin lagu sii daayo.

In Maxkamad la horkeeno shaqsi ay xireen laamaha amaanka 48-gudahood,waxay muujinaysaa hanaanka uu ushaqeeyo Garsoorka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka Maxkamada

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading