Video:-Muxuu ka yiri Michael Keating xiisada dagaal Ee Puntland iyo Somaliland?

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa khudbad dheer ka jeediyay Fadhi Golaha Ammaanka ay ku yeesheen magaalada New York.

Keating ayaa khudbadiisa kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ee sanadkii 2017, is bedelkii nabadeed ee lagu kala wareegay xukunka, kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo, waxaa si gaar ah diiradda ku saaray waxyaabihii ka qabsoomay Soomaaliya, guulihii ay gaartay dowladda, ammaanka, howl galka AMISOM iyo dagaalka Al-Shabaab.

Mr Keating ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ay meel aad u kacsan gaartay, xiisadihii bishii December ee ka dhashay dhacdooyinkii is xigay ee ka dhacay Muqdisho sida howl galkii Ciidamada NISA ku qaadeen Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, xariggii loo geystay iyo weerarkii guriga Senator Cabdi Qeybdiid oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Mr Keating ayaa sheegay in xil ka qaadistii lagu sameeyay Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ay abuureen mowjado

Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dhacdooyinkaas ay muujiyeen dhibatooyinka aas aasiga ee ka jira dalka, isla markaana loo baahan yahay in wax laga qabto sida shuruucda aan ku filneyn iyo ilaalinta nidaamka siyaasadda.

Warbixin uu soo saaray Keating waxaa lagu xusay in “halis aan caadi ahayn oo muddo soo taagneyd ay ka dhexeyso Puntland iyo Somaliland.”

Wuxuu si gaar ah u xusay xaaladda “ciidammada isku hor fadhiya Sool in maalmaha soo socda ay isu badali karto mid dagaal oo dhalisa cawaaqib xumo ba’an”.

Wuxuu sheegay in hoggaamiyayaasha labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland uu ku baraarujiyay in ay joojiyaan colaadda, in ay ciidammada kala baxaan meelaha la isku hor fadhiyo iyo in ay furaan qadad wadahadal,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading